Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Xisbiga Wadajir ee magaalada Garowe oo albaabada loo laabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland, ayaa albaabada u laabtay, xarun cusub oo xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu 31 bishii hore Jannaayo ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi )Gu’jir) uu bixiyay amarka lagu xiray, xarunta xisbiga Wadajir ee magaalada Garoowe, madaama sida ay sheegeen dowladda Puntland diiddantahay in ol’olaha siyaasadeed ee xisbiyada Soomaaliya uu saamayn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda Puntland ay amar ku bixisay, in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya, aysan wax xarumo ah ka furan karin degaannada Puntland, si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Xarunta Xisbiga Wadajir ee magaalada Garowe oo albaabada loo laabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this