Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo la kulmay wasiiro ka tirsan Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaree ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta magaalada Riyaad kula kulmay qaar kamid ah wasiirrada Boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya oo bahwadaag ganacsi iyo dhaqaale la ah Soomaaliya.

Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee kulamada uu la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiir ku-xigeenka maaliyada iyo sii hayaha wasiirka ganacsiga, iyo ku-xigeenka madaxa Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga, ayay ka doodeen xariirka isku tolan ee labada dawladood.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Ibrahim bin Abdul Aziz Al-Assaf, kala hadlay is-bedelka ballaaran ee ka socda dalka iyo xoojinta xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada kale ayaa ku-xigeenka wasiirka maaliyadda ee sucuudiga, Dr. Hamad bin Suleiman Al-Bazai kala hadlay qorshaha dib-u-qaabaynta dhaqaale ee Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale ku-simaha wasiirka ganacsiga kala hadlay adkaynta xariirka ganacsi ee taariikhiga ah ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo la kulmay wasiiro ka tirsan Sacuudiga appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this