Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ilyaas oo si kulul ugu jawaabay warbixin ay saxaafada Kenya ka qortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, mucaarad iyo muxaafadba mas’uuliyad ay ka saaran tahay difaaca iyo u dhimashada cid kasta oo kusoo xadgudubta qaranimada, dhul iyo beri.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale, si kulul u beeniyay warbixin Daily Nation iyo The Standard ay ka qoreen xildhibaanka, warkaasi oo lid ku ahaa shirkii London iyo go’aanka dowladda Somalia, hase ahaatee Xildhibaan Ilyaas ayaa caddeeyay in warbaahinta Kenya ay soo xigteen warsaxaafadeedkii 5-bishaan guddiga kheyraadka qaranka ee aqalka sare kasoo saareen shirkii London, kagana hadlaayey in Sharciga shidaalka weli uusan baarlamaanka lasoo marsiinin.

“Majirto wax xiriir ah oo ay la leedahay warsaxaafadeedkii aan soo saarnay ka hor inti uusan furmin shirkii London, Badda uu muranka kajirana waa dhul Soomaaliyeed, waxaana 100% ku taageersanahay go’aankii shaley ay Xukuumada kasoo saartey” ayuu yiri xildhibaan Ilyaas.

Ilyaas ayaa si cad u taageeray go’aanka dowladda federaalka iyo jawaabta ay ka bixisay tallaabada Kenya ay kusoo ceyrisay safiirka Somalia, isagoona cambaareeyay hab-dhaqanka Kenya ay kula dhaqmeyso Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this