Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib xiriirkii xumaaday ee Somalia, Kenya oo war ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia xaalkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay xaaladda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya kadib markii ay xiriirka diblomaasiyeed u jartay dowladda Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka jirta cabsi xooggan oo ku saabsan in kadib tallaabadii ay qaaday dowladda dalkaas, in ciidamada Kenya ay noqon karaan kuwa halis gala maadaama aan dalka Soomaaliya laga dooneyn.

Hase yeeshee waxaa taas ku gacan seeray xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo sheegay in ciidamada Kenya ay isku filan yihiin, siina jooga doonaan Soomaaliya, sababtoo ah kuma joogaan magaca Kenya.

“Ciidamadeena waxa ay muddo ka shaqeynayeen deegaan halis ah, wayna garanayaan sidii ay isku difaaci lahaayeen. Si kastaba, ciidamadeena kuma joogaan Soomaaliya ayaga oo ka socda Kenya, balse waxay ku joogaan ayaga oo ku shaqeynaya magaca Amisom” ayuu yiri Macharia Kamu.

Ergeygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya ee QM, Abuukar Armaan oo qoraal kooban soo dhigay twitter, ayaa sheegay in go’aanka ay Kenya xiriirka diblomaasiyeed ugu jartay Soomaaliya ay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ka dhigeyso kuwa duulaan ku ah Soomaaliya.

“U yeerashada Kenya ee safiirkeeda, iyo weydiisashada safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkaas, waxay joogitaanka ciidamada KDF ee Soomaaliya ka dhigeysaa kuwa weerar ah. Waxaa jira marar ay diblomaasiyaddu tahay inay noqoto mid toos ah oo cad” ayuu ku yiri Armaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa twitter.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this