Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya Oo Loogu Baaqay In Uu Joojiyo Daandaansiga Dagaal Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Canada)-Qareen Kenyan ah oo haysta dhalashadda dalka Kanada oo lagu magacaabo Miguna Miguna ayaa sheegay aanu Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq u lahayn inuu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Soomaaliya sababo la xidhiidha khilaafka dhinaca Xuduud-baddeedka ee labada Waddan.

lawyer-miguna-miguna-and-Uhuru-kenyatta-

Qareenka oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Kanada waxa uu intaasi ku daray aanu Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq Awoodeed u lahayn inuu ku baaqdo Dagaal ka dhan ah Soomaaliya, iyadoo ay Uganda horey u qaadatay Jesiirad uu Uhuru Kenyatta rumeysan yahay inay Kenya leedahay.

Qoraal uu Qareen Miguna Miguna soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku muujiyey inay Jesiiradda Migingo qabsadeen Milliteriga iyo Boliska Uganda muddo hataan laga joogo in ka badan 5 sanno, iyadoo dad badan oo Kenyan ah lagu dilay, lagu jir-dilay, lagu kadeeyey, laguna sharaf-tiray Jesiiraddaasi.

Waxa uu intaasi sii raaciyey inaysan Dowladda Kenya ka hadlin Tacadiyadaasi, isla markaana uusan Madaxweynaha Kenya marnaba Xidhiidhka Diplomaasiyadeed u jarin Dowladda Uganda.

Dhinaca kale, Qareen Miguna Miguna waxa kaloo uu sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto ay la dagaalamayaan oo keliya Caddowga Khiyaaliga ah, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Jubilee-ga ee Kenya inay helaan qaabab wanaagsan oo looga hadlayo arrimahaasi mustaqbalka.

“Keligii Taliye waxa uu dagaal u isticmaalaa ama Cabsi Khiyaali oo ka imaanaysa Ajaaniibta ka dhigtaa sidii xeellado looga hortagayo arrimaha gudaha khuseya, sida doorasho lagu shubtay, shqo la’aanta heerka sare, saboolnimadda, musuqa, qabyaalladda iyo Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha” ayuu yidhi Qareen Miguna Miguna.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this