Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf Xooggan Oo Ka Taagan Magaalada Tukaraq Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Amar Soo Saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tuke-raq)-Isuduwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sool ayaa soo saaray qoraal lagu joojinayo dhulka xidhmooyinka ah ee laga sameeyey guud ahaan gobolka Sool.

tukeraq.jpg

Qoraalkan oo qeexaya dhulbeereedka dhulka aan lagu bixin sifo sharci ah laga bilaabo maanta la baabiinayo iyadoo gaadiidka ka qayb qaatana ka ganaaxayo ayuu qiraalkiisa ku sheega.


Qoraalkan ayaa waxaa sababay kadib markii duleedka magaalada Tukaraq dad badani xidheen taas oo kicisay dadka degaanka oo maalmihii la soo dhaafay xiisad xooglihi ka taagnayd.

Dadka dhulka xidhanaya oo u badan ganacsatada ayaa qorshayaal kala duwan ka damacsan dhulka ay xidhanayaan iydoo qaar ganacsatada ka mid ah ay xoolo ku xeraynayaan, halka qaar kalena ay caan ku yihiin kaydsiga dhulka, qaarkalena dhulbeereed ayay rabaan.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka xidhmooyinka dhulka ah ayaa sanadihii la soo dhaafay aad u hadheeyey guud ahaan gobolka Sool iyo degaanada ku xeeran, waana arin aan weli fahan mid ah laga qaadan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this