Sign in to follow this  
Deeq A.

Siisi oo dowladaha Yurub ugu baaqay in ay xiraan masaajidda muslimiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Qahira (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha dowladda Melleteriga Masar ayaa ugu baaqay dowladaha Yurub in ay muslimiinta ku ciriiriyaan masaajidda si looga hortago wax uu ugu yeeray xagjirnimada oo uu ula jeedo baraarugga islaamiga ah.

Cabdi Fataal Alsiisi oo khudbad ka jeedinayay shirka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee ka dhacay magaalada Munich dalka Jarmalka ayaa aad uweeraray muslimiinta ku cibaadeysta masaajidda oo uu ku tilmaamay kuwa caalamka ku faafinaya wax uu ugu yeeray Argagaxisada.

Alsiisi oo ah calmaani ayaa ku faanay in isagu uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee maamula dal muslim ah oo ugu baaqo reergalbeedka in ay koontaroolaan duruusta lagu dhigo masaajidda muslimiinta isagoo muujiyay naceybka uu uqabo islaamka iyo muslimiinta.

Madaxweynayaal caalamka islaamka kajira ayaa umadax raariciyay baaqa kasoo yeeray Cabdi Fataax Alsiisi halka qaar kale ay layaabeen, Nidaamka ka jira wadanka Masar ayaan qarsan isbarbar taaggiisa Yahuudda iyo Nasaarada wuxuuna caan ku yahay gummaadka dadka muslimiinta ah.

Caasimada online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this