Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Hadalkii Farmaajo ee 8-da Febraayo iyo wixii maanta dhacay way is-fasirayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhaliilay dhacdo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladda ay xadgudub ugu gaysteen weriyayaal Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Fiqi ku sheegay in falka lagula kacay suxufiyiinta uu fasirayo hadal uu madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay warbaahinta isaga oo ka hadlaya xuska sanad guuradii labaad ee doorashadiisa oo ku beegneyd 8-da Febraayo ee bishan.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran.

Hadalkii madaxweyne Farmaajo 08 Febraayo 2019 uu uga cabanayey isla markaana ugu cagajuglaynayey saxaafadda xorta ah iyo habdhaqanka maantay Muqdisho ka dhacay ee lagula kaçay saxafiinta Muqdisho ka shaqeeya ma u muuqdaa mid is-fasiraya?

Qaabka saxaafadda loola dhaqmayo iyo karaamo dilka saxafiyiinta xataa waqtigii hogaamiye kooxeedka sidaan uma dhoweyn, wariyaha hadlaya ayaa tilmaamay halka xaalka loo celiyey!

Saxaafaddii marka laaluush lagu aamusin waayey, waxey maraysaa in qoriga lagu aamusiyo, inta kallna emaillo loogu soo diro warar sidii kooxda Villa Somalia ay rabtay loo soo habeeyey!

Madaxweynaha haloo sheego dalku in uu yeeshay Tv-yo badan, idaacado aan tiro lahayn iyo wariyaal xor ah, waqtigii dalka ugu danbaysay ee halka TV, Raadiye, Joornaal iyo halka baabe jiray waa laga soo gudbay! dalka waa dimuqraadi, saxaafaddiisu xor tahay.

WhatsApp-Image-2019-02-18-at-12.44.25-PM

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this