Deeq A. Posted February 18, 2019 (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada-hadli doona xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Source Share this post Link to post Share on other sites