Sign in to follow this  
Deeq A.

GanacsatadaKenya oo ku hanjabay joojinta qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Guddiga tiro koobka Qaranka ee dalka Kenya ayaa sheegay haddii uu sii xumaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay ganacsata jaadka ay lumin doonaan 90 boqolkiiba.

Sarkaal ka tirsan guddiga tiroobka ayaa xusay in maalin walbo ganacatadu ay Soomaaliya u dhoofiyaan 50 kun oo Qaad ah .

Waxaana uu intaasi ku daray in maalintiiba ganacsatada Kenya ay Soomaaliya ka helaan in ka badan 100 milyan oo shilinka Kenya ah.

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa sheegay in muranka la xiriira badda ee hareeyay dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya uu sababa karo in lumaan lacago badan oo labad dal qaab ganacsi isu weydaarsadaan.

Macharia Kamau oo ka tirsan wasaaradda ardimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegay in ganacsatada Jaadka ee Kenya ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya.

Waxaana uu xusay in ganasigooda aysan ku iibsan Karin jiritaankooda, taas oo uu ula jeedo in Kenya ay sheeganayso milkiyadda badda la isku haysto.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa hadal heynta ugu badan ay aheyd khilaafka cusub ee soo kala dhex galay dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

The post GanacsatadaKenya oo ku hanjabay joojinta qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this