Deeq A. Posted February 18, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) kaas oo dhowaan dowladda Kenya ku wargalisay in uu dalkiisa ku laabto. Danjiraha ayaa warbixin la xariirta khilaafka siyaasadeed ee labada dowladood u gudbiyay madaxweyne Farmaajo. DFS ayaa ka jawaabtay cabashadii Kenya ee aheyd in dhul badeed lagu muransan yahay ay xaraashtay, waxayna sheegtay in aysan arrinkaas waxbo ka jirin. Sidoo kale dowladdu waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay Danjire Tarsan ku wargaliso in uu Kenya ka baxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay danjire Tarsan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites