Deeq A. Posted February 18, 2019 Kampala (SMN) – Taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda General Peter Elwelu oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay deegaano dhowr ah oo ay ka howl galAan ciidamada Uganda oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM Mr Peter ayaa gaaray saldhigyo ay ciidamada ku leeyihiin magaalooyinka Baraawe,Buulo Mareer,Qoryooley iyo Marka oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose. Taliyaha ayaa intii UU ku sugnaa magaalooyinkaasi waxaa uu la hadlay saraakiisha iyo ciidamada AMISOM ee joogay deeganada uu booqday, isagoona ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weeraro ay ku soo qaadi karaan dagaalyahannada Al Shabaab. Waxaana uu intaasi ku daray in Al Shabaab halis ku yihiin weerarada gaadmada ah kuwa oo Qatar gelin karo howlgallada ay halkaasi ka wadaan ciidamada. Sannadkii 2015-kii ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Janaale. Halkaas oo looga dilay ciidamo badan. The post Uganda Oo ka digtay halista weerarada Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites