Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo diiwaan galiyay afar xisbi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka aqoonsinimo si KMG  u siiyay illaa afar xisbi oo ka mid noqonaya axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah hoggaanada xisbiyada cusub iyo qeybaha bulshada.

C/raxmaan Cismaan Dirir guddoomiye ku xigeenka gudigga doorashoooyinka madaxa banaan, ahna  ku simaha guddoomiya guddigaasi ayaa ugu baaqay xisbiyada cusub in ay ka shaqeeyaan horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Afarta xisbi ee maanta la diiwaan galiyay qaarkood waxaa hoggaaminaya siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

The post Guddiga doorashooyinka Qaranka oo diiwaan galiyay afar xisbi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this