Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii Farmaajo iyo Tarsan ee Villa Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay Safiirka oo dib shalay ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii Kenya ay ku wargelisay inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Ambassador Tarsan ayaa warbixin ka siiyay madaxweyne Farmaajo xaaladda siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeya Kenya oo xumaaday markii Kenya ay shaacisay inaysan la dhacsaneyn Shirkii ka dhacay magaalada London.

Maalintii Shalay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaysan jirin Shidaal ku jira dhul Kenya leedahay oo lagu xaraashay magaalada London.

Dowladda waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay Danjire Tarsan ku wargaliso in uu Kenya ka baxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay, waxaana qoraalkii Kenya uu sababay inuu Tarsan Muqdisho kusoo laabto.

Dowladda Soomaaliya ayaa cadeysay in dhulka ay dooneyso Kenya inay xoogto inuu yahay dhul Soomaaliyeed islamarkaana marnaba aan gorgortan laga galeyn.

52684525_10156660718634475_7072526657822

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this