Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Burundi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Burundi, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa magaalada Bujumbura ee dalka Burundi kula kulmaya madaxweynaha dalkaasi, waxaana socdaalkiisa uu kusoo aaday iyadoo qorshaha uu yahay in 11 maalin kadib ciidamo ka socdo Burundi ka baxaan Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay dhanka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimaha amaanka, xiriirka labada dal iyo bixitaanka ciidamada Burundi.

Midowga Africa ayaa dhawaan ku dhawaaqay in 28 bishaan ciidamo ka socda Burundi oo gaaraya kun askari ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, waxaana ciidamada ay ka bixi doonaan Hirshabeelle.

Dowladda Burundi ayaa arrintaas aad u diidday iyada oo Madaxda Midowga Afrika ku eedeysay in ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan dalkaasi.

Madaxda Hirshabeelle ayaa walaac dhankooda ka muujiyay bixitaanka ciidamada Burundi, waxaana ay sheegeen inay isku dayeen inay AMISOM kala hadlaan arimahaasi.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this