Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UPD oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray Xiisadda Siyaasadeed ee Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka ee UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa war saxaafadeed kasoo saaray Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Xisbiga ayaa taageeray go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dariska ee Kenya.

Xisbiga ayaa tilmaamay inuu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya isla markaasna ay muqadas tahay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya.

UPD ayaa Xukuumadda Soomaaliy ugu baaqay inay shacabka la wadaagto xogta dhabta ah ee sahminta Shidaalka laga helay deegaanada Soomaaliya.

Xisbiga ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Daliisha Xisbiyada ay u aragto inay tahay sixitaan lagu toosinayo qaladaadka ay galeyso.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada uu saaray xisbiga

51871554_252800378975753_575926166314024

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this