Sign in to follow this  
Deeq A.

“Kuma Iibsaneyno Madax-Bannaanideena Dhuleed Ganacsiga Qaadka” Ganacsatada Qaadka Kenya Oo Ku Hanjabay Inay Joojinayaan Jaadka Ay Geeyaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.

2019218636860496206129954beer-1.jpg

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba u soo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100 milyan oo Kenya shilling ah.


“Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda” sida waxaa yidhi afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Waa markii ugu horeysay oo go’aan noocan oo kale ah ay gaaraan ganacsatada Qaadka ee Kenya, iyadoo la og yahay in Soomaaliya tahay lafbarka ugu weyn marka la eego dhaqaalaha Kenya ka soo gala ka ganacsiga caleenta Cagaaran ee ‘’Qaadka’’

Dowladda Soomaaliya ma ay soo hadal qaadin marnaba in ay jareyso xidhiidhka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda Kenya oo kan ugu weyn yahay Qaadka si joogta ah looga soo dajiyo guud ahaanba dalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this