Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Soomaaliya Ee Laga Soo Caydhiyay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarzan) kaas oo dhowaan dowladda Kenya ku wargalisay in uu dalkiisa ku laabto.

52684525_10156660718634475_7072526657822

Waxaa la fahamsanyahay in safiirka uu madaxweynaha warbixin ka siiyay xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay cabashadii Kenya ee ahayd in dhul badeed lagu muransanyahay ay xaraashtay, waxayna sheegtay in aysan arrinkaas waxbo ka jirin.

Dowladda waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay Danjire Tarzan ku wargaliso in uu Kenya ka boxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this