Deeq A. Posted February 18, 2019 Jalalaqsi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Weerarkan oo loo adeegsaday madaafiic ayaa la sheegay in lagu qaaday fariisin Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka degmadaasi. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan waxa ay tilmaameen in ay ku dileen illaa 5 Askari, kuna dhaawaceen 12 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka sameeyeen agagaarka degmada Jalalaqsi ee G/Hiiraan. The post Al Shabaab Oo weerar culus ka fuliyay gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites