Deeq A. Posted February 18, 2019 Hordhac Waxaa soo muuqanaysa xaalad kala duruqsanaan taas oo u dhaxaysa booliska iyo bulshada Somaliland waxaana booliska lagu eedaynayaa cabudhin iyo xad-gudubyo sharciga baal marsan cabudhintaas oo uu u xidhan yahay Hal-Abuur Cabdiraxmaan Abees . Si kastaba ha noqotee xidhiidhka iyo wadashaqeynta u muuqata mid sii xuub siibanaysa ayaan Qaranka faa,ido ugu jirin marka laga eego dhanka Amniga. Qormadan ayaan ku falanqeyn doonaa xalka iyo maare waara kaas oo soo nooleeya sharaftii booliska. Sidoo kale waxaan diirada saari doonaa baahida loo qabo Guddi madax banaan kuwaas oo la xisaabtana saraakiisha booliska sidoo kalana meesha ka saaraya ku takri falka sharafka iyo awooda booliska qaranka QARANKEENU MA U BAAHAN YAHAY EXTERNAL AUDIT POLICE (EAP) Si looga gudbo caqabadaha maanta jira ee keensan kara dib u dhaca amni loona helo xal iyo maare waara loona muujiyo sareynta sharciga ayaa ah in la hirgaliyo saaxad isla xisaabtan taas oo lagula xisaabtamayo saraakiisha booliska lana dabagalayo sifaha xadhig bilaabasho ilaa inta laga gaynayo maxkabada .xalkaas ayaa noqonaya in la helo Guddi loo xil saaro shaqadaa kuwaas oo ah External Audit Police . Guddigan la dagaalamaya ku takri falka awooda iyo sharafka ilaaliyayaasha iyo adeegayaasha Qaranka waxaase muhiim ah si looga hortago kala fogaanshiyaha booliska iyo bulshada waa inay dhinac socotaa isla xisaabtanka barnaamijka ah Community Policing ( Booliseynta Bulshada ) FAA,IDADA EXTERNAL AUDIT POLICE Faa,idooyinka Auditkan ayaa ah kuwo amniga iyo wada jirka umada ilaalinaysa faaidooyinkaa ayaa ah :- In la abuuro saaxad isla xisaabtan In meesha laga saaro ficilada sharci jabineed In Sarkaal kaste garto awoodiisa dhabta ah kana fogaado tacadi kasta Inoo ixtiraamo sharciga iyo wada jirka umada Inuu meesha ka saaro musuqa wakhtiga Inuu meesha ka saaro laaluusha Contact E-mail: Jacobhassam@gmail.com Tell: +252-63-480-7177 Borama. Awdal, Somaliland Qaran News Share this post Link to post Share on other sites