Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA daan-daansigeedu waa muuqdaye, anagaa is-dabaalisku nala fogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka kaftanka laga yimaado, loona daadego xaqiqada dhabta ah waxaad ogaaneysa in waayadanba Kiinya ay wadday daan-daansi balse aan inagu is-dabaalis ku maqneyn.

Intaanoo dhan Kiinya markay nagu sammeynaysay, ma Ugaalidii beynu u daba marnay?

1) Kiinya wey diidday in dowladdi lagu dhisay dalkeeda ay ciidankeeda ku taageerto, kalana shaqeyso sidii dowladda Soomaaliya ay gacan uga siiso qabashada gobolada koonfureed ee Soomaaliya. Balse, 2011 ayadoo eegayneysa masaalixdeeda gaarka ah iyo hoos u dhicii dalxiiska gobolka xeebta ayay 2011 iyadoonan cidna ka fasax qaadan ay gudaha u gashay Soomaaliya. Hawlgalkaas waxaa la yiraahdaa “Operation Linda Nchi” oo micnaheedu yahay “Hawlgalka Daafaca wadanka.” Kadib soo gelisteeda intii lagula xisaabtami lahaa ayaa AMISOM lagu daray, lacag iyo maamuusna la isu raacshay.

2) Kiinya waxay Soomaaliya maandooriyaha Jaad uga baddelataa lacag adag (Hard Currency) ku dhawaad $120-150 milyan ayaa sanad walba Kenya Soomaaliya uga so xarooda, waxayna lacagtaas bixisaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha in kabadan 3 gobol oo Kiinya ah.

3) Kiinya waxay in ka badan tiro dhawr jeer ah ay diyaaraadaheedu duqeymo ka gaysteen Jubbooyinka iyo Gedo. Xaataa caruuro dugsi dhiganayey, haween iyo dad da’a ah Kiinya wey xasuuqday, waana laga aammusay.

4) Kiinya darbi gudaha ugu jira xadka Soomaaliya ayay ka dhistay xad beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxayna tacadi isugu jira xarig, burburin hantiyeed iyo dilba isugu dartay Soomaalida deggan nawaaxiga Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

5) Kiinya waxay si bareer ah dhawr jeer u duqeysay, una bur-burisay anteenooyin iyo qalab isgaarsiineed oo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

6) Dowladdeennu waxay ka gaabisay iney kula xisaabtanto AMISOM, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO’ska iyo hay’adaha caalamiga in mudnaanta koowaad ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu ay Dalka ku heyso, iyagoo weliba heer jaamacadeed ah. Balse, taas baddelkeeda waxay Kiinyaanku noqdeen shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeysta XALANE. Shaqo Soomaali qaban karo maxaa Kiinyaan uso arkay?

7) Ayaan darada ugu weyn waxaa waaye in ruuxa Soomaaliga ah ee dalbanaya fiisada ama dal ku galka Kiinya uu ku bixiyo wakhti, lacag iyo juhdi aad u farobadan, halka Kiinyaanku dal ku galka Soomaaliya ay ku helaan, mirirro, daqiiqado ama saacado wax ka yar.

8) Sidoo kale, in shalay Kiinya ay xeebaheena shidaal sahmin ka sammeyso, maantana ay inaga nagu colaadiso maxaad uso bandhigteen khayraadkiina waa ayaan darro aad u weyn runtii una baahan jawaab aad u qalafsan.

Ugu dambeyn, Kiinya wa dal aan deris nahay, waxbadana ay isaga kaaya xiran yihiin. Sida, ciidankooda oo ka tirsan hawlgalka AMISOM, kumanaan Qaxooti iyo ganacsato Soomaaliya oo ku sugan dalkooda iyo dad Soomaali ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Kiinya, siyaasiyiintooduna saammeyn ku leeyihiin siyaasadda gobolka. Haddaba, waa muhiim anagoo xeerineyna dhammaan arimahaas inaan Kiinya ula garnaqsanno, ulana xisaabtanno si adag o ka turjumeysa qab Soomaalinimo oo degdeg, il-duuf iyo saxarba laga hubiyay.

W/Q: Abdiqafar Shire

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this