Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Kenya oo ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Musalia Mudavadi, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ANC ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo wadankaasi.

Mudavadi, oo horey u soo noqday madaxwayne ku xigeenka Kenya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo farageliyaan khilaafka.

Waxa uu sheegay in hadii aanan si deg deg ah xal looga gaarin ay ka dhalan karto dhibaatooyin, sida uu hadalka udhigay.

Xiisada diblumaasiyadeed oo cirka isku sii shareeraysaysa ayaa timid markii Kenya ay ku amartay danjiraha Somalia inuu dalkeeda isaga baxo.

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo bandhigtay caalamka shidaal ku jira dhul badeed ay ku muransan yihiin labada dowladood.

Labada dal ee dariska ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo qoto dheer, iyada oo aanan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrintani.

Madaxda dowlada Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan hadlin arrintaan, inkasta oo la filayo in saacadaha soo socda ay war kasoo saaraan.

The post Mucaaradka Kenya oo ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this