Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo fasiraad cusub oo nooc kale ah ka bixisay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababta ay Safiirkeeda ugala baxday Soomaliya isla markaasna ay u amartay in midka Soomaaliya uu deg deg ugu laabto dalkiisa.

Kenya ayaa Fasiraad nooc kale ah ku sheegtay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya eryin Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Amb. Macharia ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray waxaa uu sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta uga hadashay tallaabadii Kenya ay ugu yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirka Soomaaliya inuu ku laabto dalkiisa.

“Uma aanan yeerin safiirkeena, mana aanan eryin safiirka Soomaaliya balse waxaan ugu wacnay wadatashiyo, waxaana waydiisannay safiirkooda inuh dowladdiisa lasoo tashaso si aan u xallino arrintan annaga oo ka duuleyna macluumaad sugan iyo xogo saxan oo labada dhinac ah”. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya”.

 

52263838_2292062221039325_68810066658653

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this