Deeq A. Posted February 17, 2019 Goor sii horeysay oo maanta ah Caasimada Online waxay qortay war ku saabsanaa in hanti-dhowrka uu xiray xafiiska maaliyadda hay’adda NISA, islamarkaana baaritaan lagu billaabay. Qoraalkaasi waxaa ku jiray in qaar ka mid ah shaqaalaha NISA ay mushahar qaadan muddo 3 bilood ah, lacagtooadana laga soo qaaday bankiga dhexe balse aan la siin. Baaritaan dheeri ah, oo aan sameynay kadib wax caddeyn ah waan u weynay in shaqaalaha NISA aysan qaadan mushahar iyo in lacago lagu lunsaday midna. Warka aan sii daynay waxaa nala wadaagay ilo-wareedyo aan muddo ku kalsooneyn, waxaase cad inuu ahaa qalad. Waan ka cudur-daaranaynaa qaladkaas dhacay, waana ka raali-gelineynaa hay’adda NISA. Share this post Link to post Share on other sites