Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo sheegtay weeraro ka dhacay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoryooley (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraro culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka koowaad oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolkaasi ayaa Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa AMISOM, kuna dhaawaceen saddex kale oo ka tirsanaa ciidamadaasi.

Al Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay dhaawaceen guddoomiyaha Qoryooyley, ku xigeenkiisa, madaxa maaliyadda iyo taliyiha degmadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa dusha u ritay masuuliyadda weerar kale oo ka dhacay degmada Baraawe ee gobolkaasi.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha, gaar ahaan saldhig ciidanka Uganda ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo uu  xigay dagaal foolka fool ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyay weerarkii Qoryooley.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen mas’uuliyiinyta degmadaasi,  ayna soo hagaageyso xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaama in kulan gaar ah ay ka yeesheen amniga Shabeelaha Hoose, kaas oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sida looga hortagi karo weerarada Al Shabaab.

Inta badan weeraro qorsheysan ayaa ka dhaca gobolkan oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

The post Al Shabaab Oo sheegtay weeraro ka dhacay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this