Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo guddi u saaray xil wareejinta wasiirada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland ayaa maanta guddi u saaray munaasabaddda xil wareejinta golaha wasiirada maamulkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa faray guddigan oo isugu jira hanti dhowraha qaranka, xeer-ilaaliyaha, taliyaha Booliska  iyo agaasimaha madaxtooyada Puntland in ay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta xilka ku kala wareegeysa.

Sidoo kale waxa uu tilmaaamay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland in aysan ogolaan doonin in lagu takri falo hantida qaranka, waxaana uu xusay in lalala  xisaabtami doono wasiiradii hore ee maamulkaasi.

Shalay ayey aheyd markii baarlamaanka Puntland ay meel mariyeen golaha wasiirada  maamulkaasi, si ay u guda u galaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Xukuumadda cusub ayaa waxaa hor yaalla arrimo dhowr ah oo u baahan wax ka qabasho.

The post Deni oo guddi u saaray xil wareejinta wasiirada Puntland appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this