Deeq A. Posted February 17, 2019 Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay war ka soo saarto go’aankii dowlada Kenya ay xariirka ugu jartay Soomaaliya. Soomaaliya aayaaka baaraandageeysa sida ay jawaabta ugu haboon u siin laheyd dowlada Kenya. Kulan arintaasi looga hadlayo ayaa madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya waxa ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankaasi waxaa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha Ra’isilwasaaraha wasiirka arimaha dibada iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya. Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo go’aankeeda iyo sida ay u aragto go’aankii Kenya ay xiriirka ugu jartay Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeee ayaa soo jeedinaya in go’aan mideeysan laga qaato Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DFS oo war ka soo saareeyso go’aankii Kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites