Deeq A. Posted February 17, 2019 Maxkamadda ciidamada qalabka ee Puntland ayaa haatan xukun dil ah ku ridday 4 nin oo loo haysto dilka ganacsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash oo todobaadkii hore lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Cabdifitaax Axmed Xassan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Siciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa dhammaantood dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii garsooraha maxkamaddu sheegay in lagu helay dilka ganacsade Salaad Cabdi Cukaash islamarkaana ay qiraal ka yihiin in rasaasta ku dhacday ay iyagu rideen. Raggan ayaa dilka geystay xilli ay doonayeen in ay dhac u geystaan shakhsiga ay dileen sida uu sheegay garsooraha xukumay. Garsooraha ayaa ugu dambeyntii xukmanayaasha ku wargeliyay in ay haystaan 30 cisho oo rafcaan ah. Faahfaahinta Puntlandpost The post Puntland: Rag ku eedaysan dil oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites