Deeq A. Posted February 17, 2019 Saddex kamid ah golaha wasiirada Puntland ee shalay la ansixiyay, ayaa maanta lagu dhaariyay, xarunta madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Mas’uuliyiinta la dhaariyay, ayaa kala ah; wasiirka Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), wasiir ku-xigeenka Caddaaladda, Maxamed Cali Faarax iyo wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Axmed Cabdiraxmaan Xirsi. Munaasabadda lagu dhaariyay wasiirada ,ayaa waxa goob jog ahaa madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada. Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban u jeediyay mas’uuliyiinta la dhaarshay, ayaa kula dardaarmay, in sida ay ku dhaarteen ugu adeegan dalka iyo dadka, waxaana uu Alle uga rajeeyay, in uu u fududeeyo shaqada loo igmaday. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites