Deeq A. Posted February 17, 2019 Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Ambassador Maxamed Axmed Nuur Tarsan, safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Kenya, kadib markii dowladda Kenya ku ammartay in uu dalkooda degdeg uga soo baxo. Wararka waxay sheegayaan in diyaaradda uu la socday mudane Tarsan sidoo kale uu saarnaa wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah Axmed Ciise oo xalay soo gaaray Nairobi kadib markii uu ka yimid dalka Sweden. Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda gaaray meeshii ugu xumeyd, iyadoo dowladda Kenya ka fiirsasho la’aan ku jartay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ah ayaa la filayaa in jawaab degdeg ah ay arrintan ka bixiso, iyadoo lasoo sheegayo in kulamo arrintan ku aaddan ay ka soconayaan madaxtooyada qaranka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites