Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xuseen“Hadii Inta Kusoo Ciyaartay Garoonka Stadium Muqdisho Ay Bixiyaan Min Hal Doolar Inta Dhiman Anaga Ayaa Dhameystiri Karno Dhismihiisa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Lix bil ayaa iminka la jogaa waqtigii ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee (Amisom) ayaa isaga ka baxeyn tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho.

40229382_1861006737317129_91855921516044

27-Auguts 2018– Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka,gaar ahaan qaybaha kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybaha nasashada wuxuuna xiligaa sheegay in ay dowladda ay dhisayso Stadium Muqdisho.

40157742_1861006873983782_24908029626123

Cali Xuseen oo ka mid ahaa xidigii usoo dheelayay  Gobolka Banaadir iyo kooxda Badda iminka ah layliyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa sheegay in garoonka uu lee yahay taariikh fog waqtigii ay dowladda la wareegtay iyo iminkana uu jiro is badal weyn loona baahan yahay in la sii wado howlahiisa.

47442504_2054530581260360_67791680048201

10-December 2018-Wafdigii kooxda Melbourne ee dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada sanadkii lasoo dhaafay ayaa naasiib u yeeshay in ay soo arkaan xaalada garoonka Stadium Muqdisho waxayna waqtigaa inoogu warbixiyeen sida uu maalinkaa ahaa dareenkooda iyo doorkooda kaga aadan dib u dhiska tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

47465000_2173156706256410_25902764624770

“Hadii inta ku ciyaartay Stadium Muqdisho ay gacan ka geestaan inta ka hartay waxa aan aamin sanahay in si dhaqsi leh loo dhameyn karo”waxaa sidaas gudaha Stadium Muqdisho warbaahinta ugu waramay bishii December 2018 tababare Cali Xuseen.

48368361_2173158229589591_42284857678081

Wasaarada ciyaaraha dowladda ayaa dhamaadka sanadkii hore soo gaba gabeesay wajigii kowaad ee nadaafada waxaana wasiirka ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye laga soo xigtay in dowladda Norway ay wajiga labaad bixinaysa lacago badan taasoo lagu tala galay dhameystirka howlaha ka haray garoonka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xaalka Garoonka Stadium Muqdisho

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this