Deeq A. Posted February 17, 2019 Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dagaalka oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay in uu ka qarxay deegaanka Kulmis-Yarey ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona barakac xoogan uu ka bilowday halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Dagaal beeleed xoogan Oo ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites