Deeq A. Posted February 17, 2019 Minesotta (SMN) – Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Soomaali badan oo ku nool gobolka Minesotta ee dalkaasi ay u safreen dalalka Soomaaliya, Siiriya iyo Ciraaq, si ay ugu biiraan kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka dagaalama dalalkaasi. Warbixinta ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in 45 ruux oo ahaa Soomaali ku nool Mareykanka in ay uga tageen dalkaasi,si ay uga mid noqdaan dagaalyahannada Al Shabaab iyo kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya. Sidoo kale FBI-da Mareykanka ayaa warbixintan ku xustay in tobanaan kale oo Soomaali ah la xiray, iyagoo qorsheenaya in ay ka safraan dalkaasI,si ay u taageeraan kooxaha loogu yeero argagixisada. Saraakiisha ammaanka ee gobolka Minisota ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin Soomaalida ku nool gobolkaasi ee inta badan xiriirka la sameeya Xarakada Al Shabaab oo dagaal xoogan ay kula jirto dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgalladiisa dhinaca cirka ah ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo eedeyn u jeediyay Soomaalida Minesotta appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites