Deeq A. Posted February 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii dowladda Kenya ay amartay in ka baxo dalkeeda. Diyaarad siday safiirka, islamarkaana ay la socdeen marwada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka soo degtay garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahan ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay war shalay ka soo baxay dowladda dalkaasi. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la fiyaa in ay jawaab cad ka bixiyaan tallaabadaasi The post Safiirka Soomaaliya ee Kenya Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites