Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Oo dib ugu soo laabtay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii dowladda Kenya ay amartay in ka baxo dalkeeda.

Diyaarad siday safiirka, islamarkaana ay la socdeen marwada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka soo degtay garoonka Aadan Cadde.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahan ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay war shalay ka soo baxay dowladda dalkaasi.

Madaxda dowladda Soomaaliya  ayaa la fiyaa in ay jawaab cad  ka bixiyaan tallaabadaasi

The post Safiirka Soomaaliya ee Kenya Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this