Deeq A. Posted February 17, 2019 Ciidamo katirsan kuwa AMISOM ayaa qaraxyo is xig xigay maanta lagula eegtay Muqdisho. Qaraxyada oo aahaa ilaa 3 qarax oo kuwo dhulka lagu aaso ah ayaa lagula eegtay nawaaxiga isgooyska Ex contorol balcad ee Muqdisho. Ciidamada ayaa furay qaraxayadaasi kadib rasaas aas u farabadan. Goobjooge ku sugnaa goobta ay qaraxyadaasi ka dhaceen ayaa Puntland post u sheegay in si rasmi ah aysan u garaneeynin qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM. Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid ah qaraxayadaasi uu haleelay gadiidka AMISOM ay wateen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qaraxyo ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites