Sign in to follow this  
Deeq A.

Tarsan, marwada koowaad iyo Cawad oo Muqdisho ka soo degay kadib go’aankii ay KENYA ku soo cayrisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan, oo shalay ay dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg dalkeeda uga baxo, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in diyaaradda siday Tarsan  ay goor dhow soo cago dhigatay garoonka, waxaana muuqata in Tarsan uusan kadib dhicin waqtigii 24-ka saac ahaa ee loo qabtay inuu kaga baxo Kenya.

Tarsan ayaa waxaa diyaaradda la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku sugneyd Nairobi ayada oo kasoo laabatay safari caalami ah oo ay dhowr dal kusoo bixisay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo galay Nairobi, isla markaana Transit ku ahaa magaalada, isaga oo kasoo laabtay dalka Sweden.

Tarsan ayaa shalay looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya.

Kenya ayaa sidoo kale u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo oo isna loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo.

Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay  Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this