Deeq A. Posted February 17, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-kontorool Balcad ee Wadada Warshadaha gobolkan Banaadir,waxaana sida lasheegay lala eegtay Ciidamoka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Dad aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo wadada ku socdaalayay,isla markaana ay maqlayeen jugta qaraxa. Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay rideen rasaas farabadan,hayeeshee waxaa weli la ogeyn khasaaraha qaraxa Ciidamada AMISOM kasoo gaaray iyo in ay dad rayid ah wax ku noqdeen rasaastii ay fureen. Waxaa haatan hakad ku jira isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Wadada Warshadaha gaar ahaan agagaarka Ex-koontorool Balcad oo kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qarax lagu laeegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites