Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Shaqada Laga Eryay Oo Toogasho Ku Dilay Shan Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Chicago)-Nin shaqada laga eryay ayaa toogasho ku dilay shan qof waxuuna dhaawacay dhowr askari oo soo gaaray goobta shaqada looga tirayay kuwaasi oo badbaadinayay dadkii uu rasaasta la dhacay.

105677982_ccbffa89-ad52-43b3-8a6e-a7cbfe

Ninkan oo hubeysnaa ayaa la dilay kaddib markii ay rasaas isdhaafsadeen booliiska. Shanta qof ee uu dilay ayaana haatan la shaaciyay magacyadooda.

Israsaaseynta ayaa ka dhacay shirkad ku taalla xaafada Aurora oo 40 mayl u jirta galbeedka Chicago.

Booliiska ayaa ku sheegay ninka dilka geystay Gary Martin, oo da’diisu ay ahayd 45, waxuuna 15 sanno ka shaqeynayay shirkadda Henry Pratt.

Madaxa booliiska xaafada Aurora Kristen Ziman ayaa sheegay in ninka laga shakiyay uu isi soo hubeeyay kaddibna uu kasoo qeybgalay shir shaqada looga tirayay.

Booliiska ayaa sheegay magacyadan:

Russell Beyer

Vicente Juarez
Clayton Parks
Josh Pinkard
Trevor Wehner
Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ku sugnaa qolki looga dhawaaqay in ninkan shaqada lagaga caydhiyay, halka midka afaraad iyo kan shanaadna ay ku jireen qol kale.

Qoyska ninkaan ayaa u sheegay wargeyska The Chicago Sun-Times in ninkaan uu ka welwelay shaqada laga eryayay.

Steve Spizewski, oo daris la ahaa Martin, ayaa wargeyskan u sheegay inuu u ahaa saaxiib uuna usoo tacsiyeeyay xilligii ay dhimatay hooyadiis oo uu aad u murugeysnaa.
Saraakiisha ayaa si degdeg ah uga hortegay ninkan dilka geystay oo ku hubeysna qori isagoo rasaas la dhacay dadkii goobta ku sugna.

Saddex booliis ah ayaa la toogtay xilli ay doonayeen inay dadka kasoo samatabixiyaan dhismaha weerarku ka dhacay.

Ninkan ayaa booliisku ugu dambeyn waxay ku hareereeyay dhismaha muddo 90 daqiiqo ah kadibna waa ay toogteen.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa kaddib maalin uun xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay weerarkii toogasho ee ka dhacay iskuul ku yaalla Florida kaasi oo galaaftay nolosha 17 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this