Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii Soomaaliya Ee Laga Soo Caydhiyay Kenya Oo Saaka Ka Degay Garoonka Ee Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkeeda.

Tarsan...jpg

Diyaaradda siday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Seynab oo maalmahan ku sugneyd Nairobi.

Sidoo kale waxaa diyaaradda la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo gaadhay Nairobi, isagoo ka soo laabtay dalka Sweden.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay Safiirkii Soomaaliya, wada tashina ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaadhay, kaddib markii wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeneyso inay xidhiidhka u jartay Soomaaliya, iyagoo ku andacooneysa in dowladda Federaalka in xaraashtay shidaalka dhul badeedka dhaca xuduuda Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this