Deeq A. Posted February 17, 2019 Nairobi (SMN) – Madaxda sare ee dalka ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay warkii ka soo baxay dowladda Kenya ee ku aadanaa arrimaha shidaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankani diirada lagu saaray go’aanka laga qaadanayo dowladda Kenya oo shaacisay in Soomaaliya ay iibgeysay shidaal ku jira dhulkeeda, kadib shirkii todobadii bishan ka dhacay magaalada Lodon ee xarunta dalka Ingiriiska. Madaxda Qaranka ayaa ka fakiraya jawaabta laga bixinayo hadalkaasi, maadaama dowladda Kenya ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya M/Muqdisho. Dhanka kale Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Shabelle ayaa ugu baaqay DFS in ay go’aan deg-deg ah ka qaaadato dalka Kenya. Ugaaska ayaa sheegay in dowladda Kenya ay wado daan daansi ka dhan ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Madaxda Qaranka Oo kulan ka yeeshay hadalkii Kenya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites