Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Riydh (SMN) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa marti galineysa shir lagu qaban doono magaalada Riyadh oo lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay xukuumadda Riyadh ayaa waxaa ka qeyb gali doona wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo madax ka socota Isutaga Imaaraadka Carabta oo ka wada hadli doona khilaafka siyaasadeed ee labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka ka eryiday shirkadda DP World,taasi oo ka dambeysay markii shirkaddaasi ay kala hadashay Somaliland in ay dhisato dekedda magaalada Berbera ee maamulkaasi.

Sidoo kale xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku shareeray markii ciidanka Booliiska garoonka Aadan Cade ay gacanta ku dhigeen boorso ay ku jirtay malaayiin Dollar oo ay siday diyaarad ka timid magaalada Dubai.

Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa iska kaashan jiray dhinacyada ganacsiga iyo milatariga,waxaana magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen xero ay ku tababari jireen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya.

The post Sacuudiga oo dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this