Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Hargeysa ka soo masaafurisay mas’uul ka tirsan DF oo u xirnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somaliland waxaa maanta laga soo masaafuriyay masuul ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in muddooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Agaasime waaxeed ka tirsanaa wasaaradda Warfaafinta xukuumadda oo maalmihii ugu dambeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta laga soo masaafuriyay magaaladaasi.

Agaasime waaxeedka oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Axmed, ayaa ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee wasaaradda warfaafinta, waxaana dib xoriyadiisa loo siiyay maanta.

C/raxmaan Axmed ayaa la xiray kadib markii uu booqasho uu ku tagay magaalada Hargeysa, isaga oo xiligaasi booqanayay qoyskiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha Bulshada.

“Maanta oo ay taariikhdu Ahayd 15 February 2019 oo aan 12 cisho ku xidhnaa Hargeysa ugu danbayn Maanta lay Soo Mastaafuriyay ilaa Muqdisho.”sidaas ayuu kusoo qoray bartiisa Facebooga uu ku leeyahay Cabdiraxmaan Axmed.

Magaalada Hargeysa inta badan waa lagu xiraa xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana horey sidoo kale loogu xiray dad deegaanka kasoo jeeda balse Muqdisho yimid.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this