Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA adigoo ii baahan iyo aniga oo ku jecel ayaan isku soo laaban doonnaa 

Recommended Posts

Deeq A.   
Ma ahan erayo murugo leh hadana ma ahan erayo Farxad leh, dalkeena Somalia Waxaa ragaadiyey dibna u celiyey aagooyin is-biiraaday oo ay sameeyaan dadkii ka ilaalin lahaa dhibta iyo darxumida, wuxuu ahaa dal ku bilowday xurnimo kala dhiman oo hoggaankiisii farqaha is haystay hase ahaatee lahaa mustaqbal ifaaya oo jiilal badan ula muuqday in ay kala dhaxli doonaan baraare iyo nolol lagu naaloodo, Waxaa 8 sano dalku lahaa hoggaan isku bedelay hab is ogol ah, Waxaa dhismay Ciidamada kala duwan ee dalka, waxaana wiil kasta oo Soomaaliyeed u muuqday dal dhidibadiisu si qoto dheer u aasan yihiin, Waxaa la baray in dalkaan uu isagu leeyahay waajibna ay ku tahay in uu difaacdo ilaashadana xuduudihiisa iyo khayraadkiisa waxaana jamhuuriyadda Soomaaliya ahayd tan kaliya ee Africada madow tustay dowladd wanaagga iyo sarreynta Sharciga waxaana Madaxweyne Aden Abdulle Osman (Aden Cadde) uu xilka Madaxweynaha isaga tegay isagoo jecel una tartamay hoggaanka dalka hase ahaatee looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday.
1969-kii dalku wuxuu galay marxalad kale oo aan uga aragti duwanahay dadka ka faalooda taariikhda Somalia oo badankood aaminsan yihiin in ay maalin mugdi u ahayd aniguse aan aaminsanahay wuxuu la jaanqaaday inta badan Qaaradda Africa oo ay caado u ahayd afgembiyo isugu jiray qaar dhiig ku daatay iyo kuwa aan dhiig ku daadan. 1970-kii iyo sandihii xigay waxaa siweyn u dhismay Ciidamada qalabka sida ee dalku lahaa, waxaana Somalia noqotay dal siweyn looga haybaysto si guud caalamka si gaar ahna Africa, waxaa 8-dii January 1970-kii la aasaasay Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka (NSS) oo ka koobnaa Wardoonkii Militariga iyo Special Branch-gii Police-ka Soomaaliyeed, waxaana Madax looga dhigay Aabihii Sirdoonka Somalia General Ahmed Sulaiman Abdalla (Dafle) oo lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Mohamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee laguna xoojiyey wareegto 10 qodob ka koobneed oo habraac u ahayd Ciidanka Nabad Sugidda iyo Shaqadooda.
Inkasta oo ay jireen eedeymo iyo cabashooyin durbadiiba ku bilowday NSS-ta oo ahayd in ay caburiniyaan dadka, dilayaan cidii ka aragti duwan hoggaanka dalka, ilaalinaya dad gaar ah kalana qaybiyana bulsha weynta Soomaaliyeed hadana xudduudaha dalku ammaan ayey ahaayeen. Waxaa tusaale iyo saaxiib u ahaa hay’adihii sirdoon ee Isbahaysigii Hanti wadaagga sida KGB, GRU, Stasi iyo qaar kale waxayna ku dambaysay halkii ay ku dambeeyeen. NSS wuxuu ahaa talis indho iyo dhegaba u ah, nidaamkii dalka taladiisa hayey, waxayna soo saartay saraakiil adag oo aqoon iyo karti leh, daacadna u ahaa madaxdii xilligaas inkastoo badankoodii ay siweyn uga dayriyeen shaqadii ay qaban jireen oo ay ku tilmaameen mid aysan ugu dhawaanaynin alle aakhira fiicanna aysan sugayn haddii ay ku dhiman lahaayeen iyagoo ku jira shaqadaas, waxaana ay tusaale usoo qaateen in taariikhdii iyo kaydkii NSS-ta la gubay si loo baabi’iyo raadkii xumaa ee NSS-tu lahayd iyo tix raac dambe oo ay yeelato.
Waxaan xilliyo kala duwan la kulmay Saraakiil udub dhexaad u ahaa kahor iyo kadib kamid noqoshadaydii taliska Ciidanka Nabad Sugidda, Waxaa kamid ahaa Aasaasihii Nabad Sugidda General Dafle iyo Saraakiil kasoo qabtay hoggaanno xasaasi ahaa, waxaan isbarbardhig ku sameeyey Sirdoonada Adduunka ee hadda jira iyo kan curdunka ah ee Somalia u dhisan, Waxaa ay u kala muuqdaan Sirdoonno ilaaliya Qaran iyo mid doorsoomay aqoon ahaan iyo aragti ahaan, Waxaa madaxdii kala duwanaa ee dalka soo maray 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay ka midaysnaayeen in aysan wax aragti ah aysan ka haysan Sirta iyo Amniga Qaranka, Waxaa sidoo kale Madaxdii iyo Saraakiishii soo hoggaamiyey iyana badankoodu ahaayeen Kuwa aan aragti Sirdoon mid hore iyo mid cusubba aan ku hoggaamin Taliska Nabad Sugidda, dalkana aan u diyaarin Sirdoon leh istaraatijiyad kaadir leh aqoon iyo karti. Waa dhab in burburka dalka wax walba ay burbureen, Waa dhab In dhaqaale xumi baahday ay jirto, Waa dhab in aqoon yari jirto hase ahaatee intaas oo dhan difaac uma noqonayaan horuumar la aanta Nabad sugidda ragaadisay.

Burburkii kadib Ma jiraan Saraakiil ka tirsan taliska Nabad Sugidda oo leh aqoon sirdoon ku dhisan waxbarasho Sirdoon (Academic) ama tababar dhan lix bilood ama ka badan, ma jiraan ama waa yaryihiin saraakiil si buuxda u qaadaa dhigi karta bilowga shaqada sirdoonka ee Intelligence Cycle (Garaangirta Sirdoonka), mana badna kuwa loo carbiyey in ay tala siiyaan Madaxda Qaranka arrimaha Amniga Qaranka, ma jiro hoggaan ku baraarugsan in Sirdoonku yahay Ilaaliyaha Amniga Qaranka gudo iyo dibad waxaana wax walba ku dhacaan hurdo siloon halkii garaadka sirdoonku hagi lahaa.

10-kii sano ee lasoo dhaafay sirdoonka Somalia waxay u ahayd sanado murugo, waxay kusoo noolaayeen duruufo adag, Waxaa inta badan ay dhegahaagu maqlaan madaxda Qaranka oo leh “Saraakiil” waxaase suaal ah Waa kuma saraal? Haa Waa kan aan lahayn xuquuqda soo socota, Gunno maleh, gaari maleh, guri maleh, mushaar maleh, hadduu dhinto reerkiisa ayuu ka dhintay hadduu dhaawacmana reerkiisa ayuu ka dhintay, agoontii ayaa la iloobay ehelkiisiina warkooda daa.

NISA oo ah magaca hadda loo yaqaan Sirdoonka Somalia dad badana ay ku jaha wareersan yihiin sababta loo qaatay magacaas ma ahan mid ku fadhiya sharci iyo qaanuun, ma ahan mid u hoggaansan daatuurka dalka, mana lahan nidaam qeexaya shaqadiisa iyo jiritaankiisa, qaanuunka shaqo ee Sirdoon oo ay ahayd in uu cuskan yahay xeer Baarlamaan iyo wareegto Madaxweyne midkoodna looma haayo.

Saraakiisha Taliska NISA intooda garaadka iyo aqoonta kooban leh ayaa isku yaxyaxa isla markaasna khajila marka ay la kulmayaan dhigooda dalalka kale, Waxaa loo sheegaa In aysan ahayn Sirdoon ee ay yihiin laan argagixiso la dagaalan dalka iyo dadkiisana aysan war ka haynin, waxaa dhiiri geliya dhowr dal oo aan ka xusi karo Walaalaha Jabuuti iyo Suudaan oo ina guubaabiya nana dhiirigeliya noo sheegana inaan nahay dhalinyaro hanan karta Amniga dalka haddii aan hoggaan wanaagsan helno, Cadawga koowaad ee umadda ee Al Shabaab dhab ahaan Waa mid saraakiisha Sirdoonka uga aqoon badan shaqada sirdoonka, waxaad ka arkaysaa howlgalada gumaadka ah ee ay ka gaystaan dalka Waxaa ka horeeya xog uruurin iyo dabagal kadibna fulin, halka Saraakiisha Sirdoonku aysan warba u hayn waxa ka dhacaya albaabka hore ee aqalka ay degan yihiin.
Waxaa la jebiyey sharciyadii iyo xeerarkii Sirdoon ee ahaa Defector ama isasoo dhiibe lama keeno talis, lama baro saraakiil, xil looma dhiibo loomana isticmaalo wax dhaafsiisan ILO-WAREED (Sources), taas bedelkeeda Waxaa taliska weyn ee NISA xafiisyadiisa kasoo jeeda rag magac iyo maamuus ku lahaa Ururka Argagixisada ee Al Shabaab, Waxaa isku milanka NISA iyo Isasoo dhiibayaasha Al Shabaab ay sababeen dhimashada saraakiil door ah, cabsi amni in ay saraakiil fara badan shaqada uga tagaan, hay’ado sirdoon ay na aamini waayaan iyo in Ciidamadii kale ee Qalabka sida ay difaac naga galaan. Waxaa si aan kala sooc lahayn loo bedelay saraakiil wax badan ka og taliska Nabad Sugidda sir badana maskaxda ku hayey, Waxaa banaanada ku dayacan kuwii Al Shabaab ugu jiray liiska dhimashada waxaana duruuf nololeed la liita kuwii Qaranka dhiigooda usoo daadiyey.
Waxaan ka tegayaa NISA aniga dib usoo jaleecaya una jeel qaba, Waxaan ka tegayaa iyadoo u baahan khibradayda, aqoontayda, kartidayda iyo hoggaamintayda, waxaanse usoo laaban doonaa haddii aanan dhiman iyadoo iibaahan iyo anigoo jecel.
Nabaadiino iyo Nooli kulanta 
Waxaa qoray Sarkaal ka tirsanaa talisyadii NSS iyo NISA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this