Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeeladda ka dambeysa in Kenya ay xiriirka u jartay Soomaaliya oo la kashifay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) –  Dowladda Kenya ayaa shalay xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal.

Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay  Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Hase yeeshee wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay leedahay ujeedo ka weyn shirka London, balse ay dooneyso inay xalaaleysato dhul-badeedkii Soomaaliya ee horey u sheegatay.

“Tani wax shaqo ah kuma lahan shirkii xaraashka shidaalka Soomaaliya ee London, balse waa xeelad ka hor-tag ah oo dowladda Soomaaliya loogu qasbayo inay wada-xaajood ka furto muranka badda ama saameyn lagu sameeyo natiijada kiiska hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda” ayuu ku yiri qoraal uu xildhibaanka soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dhulka Kenya ay dartiis xiriirka ugu jartay Soomaaliya waa dhul-badeed ay Soomaaliya leedahay, balse Kenya ay sheeganeyso, ayada oo ka faa’iideysanaysa heshiiskii muranka dhaliyey ee Soomaaliya iyo Kenya galeen 2009, kaasi oo ay diideen baarlamankii KMG ahaa iyo QM.

Kiiskaaski ayaa waxa uu hadda yaallaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, ayada oo la sugayo go’aanka kama dambeysta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this