Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix tallaabo oo ay tahay inay qaado Somalia si ay uga jawaabto go’aanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaabab kala duwan kaga hadlay aragtidooda ku aadan go’aankii dowladda Kenya ay kasoo saartay arrimaha Soomaaliya iyo u yeeritaanka Safiirkii ka joogay magaalada Muqdisho.

Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayay aragtiyada ugu badan ku dhiibteen, waxaana qaarkood ay soo bandhigeen hanaanka ay doonayaan Shacabka Soomaaliyeed in dowladda Soomaaliga kaga jawaabto go’aanka Kenya.

Qaar kamid ah dadka aragtidooda ayaa waxay ku sheegeen inay doonayaan in dowladda Soomaaliya ay Kenya ugu Jawaabto lixdan qodob oo kale ah:-

1 – In Soomaaliya aysan gorgortan ka geleyn buqcadaha shidaalkeeda.

2 – In muran xadeedka badda aaney Soomaaliya aqbalayn luuq-luuq ee Maxkamadda ICJ lagu kala baxo.

3 – Haddii Kenya ay ixtiraami weyso madaxbananida daleed, dhuleed iyo tan dadeed ee Soomaaliya xiriirka diplomaasiyadda hoos loo dhigo, haddii ay waantoobi weysana loo jaro.

4 – Ganacsiga qaadka in laga mamnuuco guud ahaan dalka.

5 – Hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya in lagu qasbo inay ka guuraan Nairobi ayna Muqdisho ama mel Soomaaliya ogol oo ku dhow degaan.

6 – Ciidanka Kenya ee Amisom in dalkooda ay ku laabtaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda inay aad kaga xumaadeen hadalka kasoo baxay dowladda Kenya, waxaana la sugayaa jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso go’aanka dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this