Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Nigeria Oo Dib Loo Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)-Dadka reer Nigeria ayaa saaka ku soo toosay war kasoo baxay guddiga doorashada Nigeria oo shacabka loogu sheegay in doorashada madaxtinimada dib loo dhigay ilaa todobaadka danbe.

6C29D72B-0683-4706-A5FD-9A6E0218AD16_cx0

Warkaan ayaa yimid saacado yar kaddib inta aanan la furin sanaadiiqda codadka, waxaana yaab iyo amakaag ku noqday dadka intiisa badan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Nigeria Mahmood Yakubu, ayaa u sheegay wariyaasha in go’aankani uu ahaa mid aad ugu adkaa qaadashadiisa balse ay lagama maarmaan noqotay in dib loo dhigo doorashada si loo helo doorasho guul ku dhamaata.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qalabki doorashada aanan la geynin dhamaan wadanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah warqadaha lagu codeeyo iyo sanaadiiqdaba la la’yaha.

Doorashada ayaa lagu waday in ay si aada ugu tartamaan madaxweynaha talada haya Muhammadu Buhari iyo madaxweyne ku xigeenki hore Atiku Abubakar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this