Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo socdaalay Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka.

The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo socdaalay Sacuudiga appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this