Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay Barnaamijka siyaasadeed ee madaxweyne Deni?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa Sabtida maanta ah golaha wakiilada horgeeyay, barnaamij siyaasadeed diyaarsan oo ku saabsan, waxqabadka u qorshaysan in uu Puntland ka hirgeliyo.

Madaxweynaha ayaa barnaamijkiisa ku beegay, kulankii Baarlamanka ee lagu ansixiyay xukuumadda cusub, waxaana uu ansixinta ka hor mudanayaasha u akhriyay, khudbad uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa waxqabad ee u qorshaysan.

Khudbaddiisa ayaa u badneyd ballan-qaadyadiisi hore ol’olaha doorashada oo ku celis ah, hase yeeshee waxaa ku jiray laba qodob oo cusub, kuwaasoo kala ahaa; miisaaniyad gaar ah oo uu sheegay in xukuumaddiisu u qoondeyn doonto, soo celinta gobolada maqan ee Sool Sanaag &Cayn iyo xoojinta awoodda ay Puntland u leedahay, gelidda heshiiyo maal-geshi oo caalami ah.

Halkaan ka daawo khudbadda oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay Barnaamijka siyaasadeed ee madaxweyne Deni? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this