Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Cusub Ee Puntland Oo Kalsoonida Ka Helay Baarlamaankooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goor dhow waxa ay codka kalsoonida ah siiyeen golaha wasiirada ee dhowaan soo dhisay madaxweyne Dani.

Kulanka oo ay soo xaadireen 63 xildhibaan ayaa waxaa si wadajir ah xildhibaannadu kalsoonida u siiyeen wasiiradan.

C/xakiin Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo hadlay wuxuu sheegay in wasiirada ay heleen kalsoonida, loogaa baahan yahay iney waajibkooda si cadaalad ah u gutaan.

Dhanka kale, madaxweyne Dani oo isna hadlay wuxuu u mahadceliyey xildhibaannada isaga oo sheegay in waqti badan ay ku qaadatay soo xulista golahiisa wasiirada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this